𝐓𝐚𝐚𝐠𝐞𝐞𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐤𝐚𝐱𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐗𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐥𝐚𝐦𝐚𝐚𝐧𝐧𝐚𝐝𝐚: 𝐁𝐚𝐚𝐡𝐢𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐅𝐮𝐫𝐬𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐓𝐚𝐚𝐠𝐞𝐞𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐤𝐚𝐱𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐗𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐥𝐚𝐦𝐚𝐚𝐧𝐧𝐚𝐝𝐚: 𝐁𝐚𝐚𝐡𝐢𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐅𝐮𝐫𝐬𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 Qoray: Dr. Omar Abdirahman Ali Marka loo eego dhacdadii dhawaan ka dhacday barlamaanka Soomaaliya, oo ah askari lagu feeray, waxaa muuqata baahida aadka u weyn ee loo qabo taageerada caafimaadka maskaxda ee xubnaha barlamaanka, gaar ahaan marka ay ka shaqeynayaan xaalado siyaasadeed iyo bulsho oo adag. Dhaqanka siyaasadeed ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan colaadaha, khilaafaadka, iyo dhibaatooyinka amniga, waxay abuuraan cadaadis weyn oo saameeya caafimaadka maskaxda ee siyaasiyiinta. Tani waxay ka dhigan tahay in xubnaha barlamaanka, oo mas’uul ka ah go’aan qaadashada muhiimka ah, ay u baahan yihiin taageero gaar ah si ay uga soo kabtaan culayskaas maskaxeed iyo mid bulsheed. Dalalka qaar sida Uganda iyo Kenya ayaa horey u hirgeliyay barnaamijyo caafimaad maskaxeed oo loogu talagalay siyaasiyiinta, kuwaasoo maalgelinay...